Dowladda Soomaaliya oo Taageertay Qodobadii Kasoo Baxay Shirkii Midowga Afrika.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanadii kasoo baxay Shirkii Madaxda Midowga Afrika, ee lagu soo gaba-gabeeyay Magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethopia.

Qoraal kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay xushmeynayso in Midowga Afrika ay muhiimad siinayaa dowrka Soomaaliya ee Midowga iyo wax wada qabsiga,iyo taageerada ay Soomaaliya u muuiyeen

“Dowladda Soomaaliya waxaa ku howlantahay oo ay ka shaqeynaysaa dadaalada horumarinta iyo dib u habeynta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,si loogu guuleysto qorshaha deyn cafiska ee Soomaaliya,si loo helo horumar waara,go’aanka Midowga Afrika waxaa uu iftiiminayaa xiriirka iskaashi iyo taageerada ka dhexeysa Afrika.

“Intaasi waxaa sii dheer dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay taageersantahay qaraarka ka soo baxay shirka Midowga afrika ee sanadkan,kaasi oo muhiimad gaar ah ugu fadhiya guud ahaan ururka iyo gaar ahaan,Soomaaliya,kuwaasi oo kamid ahaa xaaladaha kala duwan sida Nabadda Amniga,iyo arrimaha bani’aadanimo, iyo dhamaan dadaalada ku aadan aragtida ku dhisan dhaqan gelinta qorshayaasha horumarnineed ee qaaradda”. Ayaa lagu yiri qoraalka.

IDIL NEWS