Gen. Muxyadiin “Argagixisadu waxay gashay Goobaha Waxbarashada”

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa ka hadlay Howl-gallo culus oo ciidamada ammaanka Puntland maalmihii lasoo dhaafay ay ka wadeen  Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland.

Muxudiin Axmed Muuse, ayaa sheegay dadka dilalka ka gaysta Boosaaso ay wax ka bartaan Jaamacadaha, Macaahida iyo dhamaan goobaha kale ee waxbarashada.

“Argagixisadu waxay gashay Jaamacadaha, waxay gashay macaahida, waxay gashay iskuulada, waxay gashay, meel kasta ayay gashay, marka meel kasta oo ay gasho waa lala gelayaa, cid kastoo shaki laga qaadana waa la baaraya.”Ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxyadiin, ayaa tilmaamay Ciidamada ammaanka inay ku guuleysten soo qabashada nin dil u gaystay shaqsi ganacsade ahaa oo lagu dilay Bartamaha Magaalada Boosaaso.

“Nin ganacsada baa magaalada lagu dilay, ciddii dishay, qorigii lagu dilay dhammaan waa haynnaa, waxaanna rajaynayaa haddii Ilaah idmo, maanta inaan soo bandhigi doono” ayuu yiri Gen. Muxiyadiin.

Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay Dilkii Maareeyihii Dekedda Boosaaso ee Shirkadda P&O Pual, xoojiyay howl-galada ka dhanka ah Maleeshiyaadka Argagixisada ah, waxaana ay gacanta ku dhigeen kooxo dhagar qabayaal ah.

IDIL NEWS