Hoggaanka Xisbiga Congres-ka oo garab istaag u Muujiyay Ilhan Cumar (Daawo)

WASHINGTON (IDIL NEWS)-Maqaawiirta Xisbiga Dilmuquraadiga iyo Hoggaankooda sar sare, ayaa si buuxda u garab istaagay Xildhibaanad Ilhan Cumar, kaddib dhaleecayno isdaba joog ah oo Ilhan kala kulantay dhanka Xisbiga Jamhuuriga iyo Madaxweyne Donald Trump oo isku dhan ah.

Hoggaamiyaha Aqlabiyada Xisbiga Dilmuquraadiga ee Aqalka Congres-ka Nancy Pelozy, ayaa ka codsatay Ilhan Cumar inay raali-gelin ka bixiso gef ka dhacay oo ku aadanaa Tageerada loo jeediyo Yuhuuda.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Arrimaha Dibedda Aqalka Congres-ka Aliot Engel oo Aqalka kasoo gala New York District, ayaa mar uu ka hadlayay arrinta Ilhan, waxaa uu tilmaamay inay aheyd arin argagax ah oo aan uusan ka filayn qof Congres-ka kamid ah.

Aliot Engel oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in aysan u dulqaadan Karin Warka kasoo yeeray Xubnaha Jamhuuriga iyo Madaxweyne Trump eek u aadan Dhaleeceynta iyo soo jeedinta Is-casilaada ee Ilhan, Isagoona Xusay in aysan dhagahoodu u dulqaadan doonin.

Daawo.

IDIL NEWS