Sidee Lagu soo xulay Golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisay Madaxweyne Deni ? (Akhriso)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni habeenkii Axadda ee ay bishani ahayd 10ka ayuu ku dhawaaqay gollaha cusub ee xukuumaddiisa, kuwaas oo ka kooban 18 wasiir, 21 wasiir ku xigeen iyo 9 wasiirul dawle.

Xukuumadda cusub ayaa ah tii ugu badnayd ee madaxweyne la doortay soo dhiso intii ay Puntland jirtay waana 48 xubnood gole ka kooban.

Madaxweyne Deni waxa taageeray ololihiisii uu xilka ku doonayey Kooxda Aaran Jaan iyo madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxman Faroole, waxayna lasoo dhiseen madaxweynaha xukuumada cusub ee uu ku dhawaaqay Axaddii, iyadoo uu aad xoog badnaa qalinka Maxamuud Shido oo ah guudimaya kooxda Aaran Jaan.

Waxaan akhristayaasheena usoo gudbinaynaa qaabka lagu soo xulay gollaha wasiirada cusub, kaas oo ah qaraabada madaxweyne Deni iyo Aaran Jaan Maxamuud Shido, Xubinimo Aaran Jaan, Faroole, madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha gollaha wakiilada Puntland.

Hadaba hoos ka akhriso waxaana ugu horaynaysa qaraabada madaxweynaha:

QARAABADA MADAXWEYNE DENI (XIDID & XIGAALO)

1-Wasiir kuxigeenka Kaluumaysiga & Khayraadka Badda C/khaaliq Maxmed Maxamuud Qulixiya wuxuu qabaa madaxweyne Deni walaashiis Shukri C/lahi Deni (Beeshiisa Ismaaciil Saleebaan)

2-Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Isgaarsiinta & Dalxiiska C/salaam Xaaji Saciid Faarax waxaa dhashay madaxweyne Deni eedadii wuxuuna qabaa Muno C/laahi Deni (Beeshiisa Warsangeli)

3-Wasiir kuxigeenka Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga Caalamiga ah Yaasiin Mire, walaalkiis oo la yiraahdo Siciid Mareero wuxuu qabaa madaxweyne Deni ina Abtidi wuxuuna qayb wayn ka qaatay ololihiisii doonitaanka madaxweynaha Puntland, (Beeshiisa Dashiishe)

4-Wasiirka Amniga & DDR C/samad Maxamed Galan wuxuu qabaa madaxweyne Deni ina abtidi oo ay oryo walaal yihiin Siciid Mareero (Beeshiisa Cali Saleebaan)

5- Wasiir ku xigeenka Dekedaha & Gaadiidka Badda Yaasiin Cartan Maxamed waxaa dhashay madaxweyne Deni eedadiis, (Beeshiisa Cali Jibraahiil) QARAABADA MAXAMUUD SHIDO (XIDID & XIGAALO)

 1-Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Bajiino) waxaa keensaday Maxamuud Shido (Beeshiisa Dashiishe).

2-Wasiir ku xigeenka xxxxx (magaca iyo waanu ku hawlan nahay) wuxuu qabaa Maxamuud Shido gabadhiisa.

3-Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha C/wali Cilmi Seed, Maxamuud Shido ayaa qaba walaashiis Faadumo Cilmi Seed (Beeshiisa Carab Saalax).

4-Wasiirka Kaluumaysiga & Khayraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash wuxuu qabaa Baarliin Maxmuud Jaamac oo ay ilmo adeer yihiin Maxamuud Shido isagaana keensaday, (Beeshiisa Siwaaqsoon).

5-Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Cumar Xasan Fiqi waxa keensaday Maxamuud Shido uu ka waasteeyey Gudoomiyihii guudiga Khilaafaadka xildhibaanda oo xildhibaano badan usoo saaray Deni, (Beeshiisa Dashiishe) MAXAMUUD SHIDO & WASIIRADA UU KEENSADAY (XULUFO) Maxamuud Shido oo ah hogaamiyaha Aaran Jaan ayaa keensaday wasiiro uu ku soo xulashay xubinimo kooxda Aaran Jaan ama ay u soo gudbiyeen xubno muhiim ka ah kooxdaas, waxay kala yihiin sidaan hoose:

1-Wasiirka Tamarta, Macdanta & Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf Taaraan waxa keensaday Maxamuud Shido, waxa uu u keensaday in lagu musuqmaasuqo mashriic jidka ku soo jira oo ay ku baxayso lacag aad u faro badan sida mashruuca biyogelinta Bosaso, (Beeshiisa Cismaan Maxamuud).

2-Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka & Guryeyta Axmed Bashiir Muuse Madoobe aabihii waa mareeyaha Garoonka Bosaso waxaa keensaday Maxamuud shido, (Beeshiisa Ugaar saleebaan).

3-Wasiirka Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga Caalamiga ah C/qafaar Cilmi Xaange waxaa keensaday Maxamuud Shido, (Beeshiisa Reer Bicidyahan).

4-Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal waa la mulkiila xukuumada madaxweyne Deni iyo Maxamuud Shido, (Beeshiisa Ciise Maxamuud). Wasiirka Cadaaladda & Arimaha Diinta Cawil Sheekh Xaashi Xaamud waxaa keensaday C/raxmaan Faroole, (Beeshiisa Ciise Maxamuud).

Wasiirka Arimaha Gudaha Federaalka & Dimoqraadiyadda Maxamed C/raxmaan Dhabancad waxaa keensaday Maxamuud Shido, (Beeshiisa Cumar Maxamuud).

Wasiirka Haweenka & Arimah Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaamac waxaa kala hadlay Maxamuud Shido Xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo ay xaaskiisa ilmo adeer yihiin, (Beeshiisa Cumar Maxamuud).

Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha & Maalgashiga C/laahi Cabdi Xirsi waxaa keensaday Faroole, waxaana adeer u ah Ajaaye oo dawladii Faroole wasiir ka ahaa gabadhiisa Idil Ajaaye na ay markii hore ku qornayd wasiirka caafimaadka oo ay Beesha Leelkase diiday.

 MADAXWEYNE DENI ayaa ku dhawaaqay xukuumad ah tii ugu tirade badnayd oo madaxweyne cusub soo magacaabo intii ay Puntland jirtay, waxayna ka kooban tahay 48 xubnood.

Madaxweyne Deni wuxuu noqday oo kale madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland oo lala soo magacaabo xukuumadiisa, isagoo arintaas darteed markii ugu horaysay Puntland 2 todobaad ku darsaday waqtigii uu dastuurku u ogolaa, 21 cisho.

IDIL NEWS