Wajiga Kowaad ee dhismaha Dekedda Garacad oo lasoo Gaba-gabeeyay (Sawirro)

GARACAD (IDIL NEWS)-Wjiga Kowaad ee Dekedda Degaanka Garacad oo ahaa mid lagu dhisayay Birriga, ayaa lasoo gabagabeeyay, sida ay Shaaciyeen Guddiga Dhismaha Dekedda Garacad.

Guddiga dhismaha Dekadda Garacad ayaa sheegay in ay guul ugu soo dhamaadeen howlo u dhimanaa oo ku aadana dhameystirka Wajiga Kowaad, iyagoona xusay in dhawaan la bilaabayo howlaha ugu muhiimsan.

Guddiga ayaa tilmaamay in dhowaan si toos ah loo bilaabayo Wajiga labaad ee dhismaha Dekedda, kaas oo loogu gudbayo gunta hoose ee Badda.

Sidoo kale, Guddiga Dhismaha Dekedda ayaa sheegay in la jeexayo naqshada deegaanka Garacad iyo dhismaha Wadada isku xirta Jariiban iyo Garacad.

Xildhibaanno ka socda Dowladda Soomaaliya, Guddiga dhismaha Dekadda Garacad, Ganacsato, Maalgashadayaal iyo dadka degaanka ayaa maanta ku kulmay Garacad, kuwaas oo isla meel dhigay Dardar-gelinta Dhismaha Dekedda.

Sawirro.

IDIL NEWS