Wararkii ugu dambeeyay ee Qaraxyo Saddex ah oo ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo 3 ahaa oo duhurnimadii maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxa 1-aad ayaa ahaa mid Gaari lagu dhajiyay, waxaana uu ka dhacay laami Yaraha Zoobe ee Magaalada Muqdisho, Iyadoona qaraxan lagu xiray gaari kuwa raaxadda ah oo hal ruux saarnaa.

Qof ku sugnaa goobta Qaraxu ka dhacay, ayaa sheegay in qofkii saarnaa gaari uu ku dhintay, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 3-ruux kale oo Mooto bajaaj saarnaa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gaariga la qarxiyay uu  lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Magaciisa lagu sheegay Cali Cartan Bidaar.

Dhanka kale, Qaraxyo dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay Kolonyo ka tirsan Ciidamadda AMISOM,oo marayay inta u dhaxeeysa Cooca Coola & Warshada Baastada Degmadda Heliwaa ee Gobolka banaadir.

Ciidamadda AMISOM ayaa furay rasaas qaraxyadda kadib lamana oga khasaaraha ka dhashay ilaa haatan.

Sawirro.

IDIL NEWS