Ilhaan Omar oo si adag ugu jawaabtay Madaxweyne Trump

Madaxweyne Trump oo siyaasadihiisu aysan la dhacsaneyn Ilhaan ayaa maalin kahor sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka.

“Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump.

Muranka hadda taagan ayaa yimid kadib markii lhaan Cumar ay sheegtay in xildhibanaada aqalka Kongreska ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi ay raali geli ka dalbato Ilhaan Cumar.

Waxaa kale oo uu sheegay in raali gelintii ay bixisay Ilhaan Cumar ay tahay mid daciif ah, oo waxaaa uu intaa raaciyay in hadalka kasoo yeeray Ilhaan uu yahay mid ay si weyn u aaminsan tahay.

Hadaba Ilhaan Cumar,ayaa dhankeeda markale kusoo laabatay hadalka jawaab culusna ka bixisay hadalka Trump kasoo yeeray waxayna bogeeda Twitter-ka ay ku leedahay soo dhigtay qoraal kooban oo u qornaa sida tan:-

“Waxaad la timid naceyb waligaaba kuugu jirtay oo aad u qabto Yuhuuda, Muslimiinta, muhaajiriinta, dadka madowga iyo dadka loogu yimid Mareykanka, waxaan wax ka bartay dad hadalkeygu uu noolashoodu saameeyay ee adigu gormaad wax ka baran?”. Sidaasi waxaa barteeda Twitter-ka ku qortay Ilhaan Cumar.

Ilhaan,ayaa u muuqato qof aad uga soo horjeeda qorsha walba oo uu Madaxweyne Trump damac sanyahay,