Madaxweyne Xaaf oo ku wajahan Degaanka Gelinsoor.

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa sheegay in dhawaan uu ku wajahan yahay degaanka Gelinsoor ee Gobalka Mudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa Sheegay in uu u tagayo Gelinsoor, sidii uu halkaasi shir dib u heshiisiineed uu ugu qaban lahaa, kaasi oo lagu dhex dhexaadinayo beelo dhawaan ku dagaalamay degaanka Galinsoor.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in shirkan ay soo qaban qaabiyeen dhamaan odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda degaanka Gelinsoor ee Gobalka Mudug.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa Maalmihii ugu dambeeyay waxaa uu kulamo ka waday degaano hoostaga Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

IDIL NEWS