Wasiir Beyle oo Digniin u diray Shirkado waa weyn oo aan canshuur bixin (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inay jiraan Shirkado waa weyn oo aan canshuurta dowladda bixin.

Wasiir Beyle ayaa sheegay inay jiraan illaa 20 shirkado oo aan canshuur bixin, isagoo u digay shirkadahaa, kuna wargeliyay in haddii ay bixin waayaan ay sharciga ku kala baxayaan.

Waxaa uu sheegay in aanay haatan sheegi doonin ganacsatada iyo shirkadaha aan canshuurta bixin, balse marka xiga ay soo bandhigi doonaan, Isagoona ugu baaqay inay bixiyaan canshuuraha ku waajibay.

“Waxaa jira shirkado waa weyn oo labaatameeyo aan canshuur bixin, waa idin digeynaa canshuurta bixiya, haddii kale waa idin magac dhabayaa, sharciga ayaa ku kala baxeynaa”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Daawo.

IDIL NEWS