Agaasime ku-xigeenkii 6-aad oo loo Magacaabay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha (Akhriso)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, ayaa magacaabay Agaasime ku-xigeen cusub oo ay yeelaneyso Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Xasan C/qaadir Maxamed, ayaa Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Amniga loogu magacaabay Agaasime ku-xigeenka Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, kaasoo noqonaya ku-xigeenkii 6-aad.

Wararka ayaa sheegaya in Magacaabidan ay qeyb ka tahay Heshiis hoose oo dhex maray Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo Madaxweyne Farmaajo, kaasoo si hoose lagu xaliyay mooshinkii Madaxweynaha laga keenay bishii December ee sanadkii hore.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa xilal iyo dhaqaale ku xaliya dhibaatooyinka siyaasadeed ee soo wajaha, iyadoo heshiisyo hoose lagu kala qeybsado xilalka iyo dhaqaalaha dowladda ee loo adeegsado furdaaminta howlaha siyaasadda.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.

IDIL NEWS