Cabdinuur Sh. Maxamed Isxaaq oo ka tagaya BBC-da (Daawo)

LONDON (IDIL NEWS)-Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq oo ka mid ahaa Wariyeyaashii ugu caansanaa ee laanta Afka Soomaaloga ee BBC-da ayaa shaqada ka tagaya, isagoo ku jira maalmihii u dambeeyay.

Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq ayaa BBC-da ku biiray sanadkii 1989, waxaa uu ka mid ahaa wariyeyaasha mudada dheer u shaqeynayay laanta Afka Soomaaliga.

Wariye Cabdinuur ayaa sheegay in markii uu ku soo biiray BBC-da ay ku adkaatay qalabka iyo farsamadii lagu shaqeynayay oo ka duwaneyd tii Radio Muqdisho, balse tababar kaddib uu la qabsaday

”Markii aan ku soo biiray BBC waxaa igu adkaa qalabka iyo farsamadii lagu shaqeynayey oo ka duwaneyd tii Radio Mogadisho, balse tababar ka dib waa la qabsannay oo waxaa nala baray xataa wareysiga aad qaado sida aad u jarjari karto oo aad ugu habeyn karto waqtiga aad u haysato balse Radio Mogadishu ma jirin qof ama laba ka badan oo farsamada yiqiin oo waxaa xadidnaa qalabka” ayuu yiri Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq.

Waxaa ay horay u soo wada shaqeeyeen Wariyeyaal caan ahaa oo soo maray BBC-da, sida C/llaahi Xaaji, Aadan Nuux Dhuule, Yoonis Cali Nuur, Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar iyo kuwa kale.

Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha codka halaasiga ah lahaa, waxaana uu noqon doonaa mid laga tabo laanta afka Soomaaliga ee BBC-da oo is bedel iyo dib u dhac badan ku dhacay sanadihii u dambeeyay.

Daawo.

IDIL NEWS