QM oo Bilaabeysa Sanduukha Dhismaha nabadda ee Soomaaliya.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay Todobaadka soo socda billowdo Sanduukha dhismaha nabadda ee Soomaaliya, kaasoo ay ku bixi doonto 30 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.

Hawl-galka Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOM) ayaa Khamiistii shalay shaaca ka qaaday si loo caawiyo dedaallada nabadeed ee ka jira Soomaaliya in la fulin doono mashaariic ay ka mid yihiin qorshaha horumarinta Qaranka iyo dhismaha dib u heshiisiinta.

Qaramada Midoobay ayaa taageerayay geeddi-socodka nabadda Soomaaliya tan iyo 2009-kii, isaga oo Sanduuqeeda taakuleyntana uu ku yaboohay ku dhowaan 45 Milyan oo Doollar oo lagu fuliyay mashaariic kala duwan.

IDIL NEWS