Al-Shabaab oo sheegtay inay duqeyn ku dishay Ciidamo Mareykan ah.

BALLI-DOOGLE (IDIL NEWS)-Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii Madaafiicda ahaa ee ay ku qaaden Xerada Ciidamada Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose inay ku dileen saddex askari oo Ciidamada Mareykanka ka tirsan.

Saldhiga Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Sh/hoose, waxaa ku sugan Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ka hawlgala, kuwaasi oo Saldhig wayn halkaasi ku leh.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in madaafiicda oo gudaha Saldhiga ku dhacay inay ku dhinteen saddexdaasi Askari oo mid ka mid uu yahay Taliye sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay kaloo sheegeen in halkaasi dhaawac uu ka soo gaaray Shan askari oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee Saldhigaasi ku sugnaa.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Al-Shabaab oo xaqiijinaya in khasaarahaasi uu soo gaaray Ciidamada Mareykanka ee Saldhigaasi ku sugan ee Madaafiicda shalay lagu weeraray.

IDIL NEWS