Dowlada Kenya oo soo eriday Safiirkii Somaliya una yeeratay keedii Muqdisho(Daawo)

Dowladda Kenya,ayaa ku amartay Danjiraha Soomaaiya u fadhiya Kenya in uu deg-deg ugu laabto dalkiisa,halka keedii Muqdisho u fadhiyayna ay uyeeratay.

Waxay dowladda Kenya sheegtay in tallaabadan ay jawaaab u tahay go’aanka ay dowladda Soomaaliya 7-dii bishan ku xaraashtay London xirmooyin shidaal ah oo ku yaala dhul badeed ay Kenya leedahay,waa sida ay sheegatay Kenya.

Dowladda Somaliya ay dhawaan magaalada London ee dalka Ingiriiska kusoo bandhigtay maclumaad la xiriira “sahmin shidaal” oo ay sheegtay in laga sameeyay dhanka badda, waxaana maclumaadkaasi soo bandhigtay shirkadda Spectrum ee laga leeyahay dalka Mareykanka.

Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay kusoo xad-gudubtay, sidoo kalena ay damaanad qaad u qaadatay taageerada ay siiso.

Balse dadka ka faalooda arrimaha diblomaasiyadda ayaa aaminsan in Kenya ay ku “fududaatay” go’aanka ay qaadatay marka la eego xiriirkan taariikhiga ee ka dhaxeeya labada dal.

“Kenya qalad weyn oo diblomaasiyeed ayay gashay. Labada dal xiriir weyn oo diblomaasiyadeed ayaa ka dhaxeeya, ciidaan nabad ilaalin ayaa Kenya ka jooga Soomaaliya; inay heerkaasi gaarsiiso, luuqadaasi adag na isticmaasho oo safiirka Muqdisho u joogay ay u yeerato, kii Soomaaliya na ay tirahdo dalka ka baxa waa qalad diblomaasiyaadeed. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Ambasadar Ciid Badal oo horay u soo noqday safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ,yaa sheegay in go’aankan ka hor, Kenya ay dowladda Soomaaliya u dirtay warqad ay uga dalbaneyso in raaligelin ay ka bixiso arrinkaasi, dibna ug laabato.

Hasayeeshee dowladda Soomaaliya ay ka gaabsatay inay ka jawaabto walaaca Kenya ay qabto,hoos akd aawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka