Golaha Wasiirada cusub ee Puntland oo maanta la Hor-geynayo Baarlamaanka.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Golaha Wasiirada Cusub ee uu soo dhisay Madaxweyne Deni, ayaa maanta oo sabti ah la Hor-geynayaa Baarlamaanka Dowladda Puntland, si ay ugu qaadaan Codkooda Kalsoonida ah.

Olale culus oo la doonayo in lagu ansixiyo Golaha Wasiirada cusub, ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka socda magaalada Garoowe, kuwaas oo ay qeyb ka ahaayeen Xubno kamid ah Golaha Wasiirada ee uu dhowaan magacaabay Madaxweyne Deni.

Sidoo kale, Olale looga soo hor-jeedo Golaha Wasiirada cusub, ayaa ka socday garoowe, kuwaas oo ay wadaan Xildhibaano iyo xubno kamid ah Musharaxiintii doorashadii Madaxweynaha ee 8 Janaayo.

Wararka qaar ayaa Sheegaya in kulan dhex maray Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Puntland, lagu go’aamiyay in si wadajir ah looga shaqeeyo ansixinta Golaha Wasiirada, si loo dardar-geliyay Howlaha muhiimka ee hor-yaalla Dowladda cusub.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa la filayaa in ay si Aqlabiyad leh u ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub, Iyadoona si weyn loo adkeeyay ammaanka Xarunta Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

IDIL NEWS