LIVE: Madaxweyne Deni oo ka dalbaday Baarlamaanka inay Ansixiyaan Xukuumadda uu soo dhisay.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Haatan Khudbad u jeediyaya Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo uu hor-geeyay Golaha Xukuumadda cusub ee uu 10 bishan soo dhisay.

Madaxweyne Deni ayaa khudbad uu ugu hadlayo howlaha horyaalla Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay u jeedinaya Baarlamaanka, Isagoona diirada ku saaray Khudbadiisa Waxqabadka ay doonayaan inay Degaanada Puntland ka qabtaan 5 sanno ee soo socota.

Madaxweynaha Puntland oo la hadlayay Goor-dhaweyd Baarlamaanka, ayaa tilmaamay inay Dhameystiri doonaan Howlihii Shaqo ee ay waday Dowladdii hore, Sidoo kalena ay Bilaabi doonaan Mashariic cusub.

Madaxweyne Deni ayaa ka dalbaday Golaha Wakiilada Dowladda Puntland inay codka kalsoonida siiyaan Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay, si loo tijaabiyo Aqoonta iyo Kartida uu kusoo xulay.

Halkaan Hoose ka Daawo Kulanka Baarlamaanka.

IDIL NEWS