Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Argagixisada iyo Somaliland (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka hadlay Xaalada ammaan ee Puntland iyo Duulaamada ka dhan ah amniga, Midnimada iyo Dhaqaalaha.

Madaxweyne Deni oo Khudbad u jeedinayay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo uu hor-geeyay Golaha Xukuumadda cusub, ayaa Sheegay in Duulaamo culus lagu hayo ammaanka iyo Dhaqaalaha Puntland.

Waxaa uu Sheegay in Puntland ay haatan wajaheyso Xaalado adag iyo Dagaalo uga imaanaya Argagixisada iyo Maamulka Somaliland, Isagoona soo hadal qaaday Dagaalada lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish eek a socda Buuraleyda Gobalka Bari iyo heysashada Degaanada Gobalka Sool.

Madaxweyne Deni ayaa xusay in dagaalada lagula jiro Shacabka iyo Dowladda Puntland, aysan aheyn kuwo hada bilowday ee ay yihiin weligood soo socda, balse looga gudbayay isku duubnida dadka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid deni, ayaa tilmaamay inay dhaqaale gaar ah u qorsheynayaan Xoreynta Dhulka maqan si looga saaro kooxaha duulaanka kusoo qaaday Midnimada Puntland, Iyadoona sidoo kale laga fulinayo Mashaariic hormarineed.

Daawo.

IDIL NEWS