Somaliland oo si kulul uga jawaabtay Hadal kasoo yeeray DF Soomaaliya (Akhriso)

HARGEYSO (IDIL NEWS)-Iyadoo Dowladda Soomaaliya ay maalin kahor shaacisay inay bilaabeyso qorsho lagu soo celinayo hantida dowladda, isla markaana dhamaan degaanada dalka laga bilaabi doono oo ay ku jirto Somaliland, ayaa waxaa hadalkaas maanta jawaab ka bixisay Somaliland.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaalialnd ahna Afhayeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Faarax (Guri Barwaaqo) ayaa waxaa lagu sheegay in hadalka ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta iyo soo celinta hantida Qaranka ahna Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi goodax Barre uu yahay mid la iska yiri.

Sidoo kale Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso qorshaha ku saabsan soo celinta hantida ma guurtada ah mid ay isaga yareyneyso culeysyada Siyaasadeed ee kaga imaanaya Siyaasiyiinta iyo Bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa geb-gabadii Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland War-Saxaafadeedka uu soo saaray uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya ay ka noqoto hadalada qaar,sidoo kalena ay ka joojiso faragelinta ay mar walba ku sameyso.

Soomaaliland ayaa aamisan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale,hayeeshee  waxaa dhowr jeer dhacay wadahadallo dhex maray Madax ka socotay dowladihii dalka soo maray iyo Soomaaliland laakin aan weli wax natiijo ah kasoobixin.

IDIL NEWS