Baarlamaanka Puntland oo maanta Dhageysanaya Warbixin Xasaasi ah.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, oo ku gudajira Howl maalmeedkoodii caadiga ahaa ayaa kulan muhiim ah maanta ku yeelanaya Xaruntooda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Xildhibaanada oo shalay  yeeshay fadhigii 19-aad ee kal-fadhiga 43-aad, ayaa ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee uu dhowaan soo Magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Baarlamaanka Dowladda Puntland, ayaa kulankooda maanta waxaa hor-tagaya Hay’adda Xaquuqul aadanaha Puntland, taas oo Golaha la wadaagaysa Warbixin la xariirta Tacadiyadii Sanadkii tagay ee 2018-ka ka dhacay Degaanada Puntland.

Warbixintan oo ah mid sanadle ah ayaa Hay’adda Xaquuqul aadanaha Dowladda Puntland, waxaa ay xooga ku saaraysa Arrimaha Kufsiyadii ka dhacay Degaanada Puntland Sanadkii 2018-ka iyo Tacadiyadii lagula kacay Saxaafadda.

IDIL NEWS