Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay Qoryooley.

QORYOOLEY (IDIL NEWS)-Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in xalay dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay degmadaasi.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ay Al-Shabaab weerareen saldhigyada ay Cidamada Dowladda ku leeyihiin degmada Qoryooley, Dadka Degaanka ayaana sheegay in dagaalkani muddo saacad ku dhow.

Khasaaro labada dhinac ah ayaa la soo werinayaa in uu ka dhashay dagaalkaas, waxaana wararku ay sheegayaan in uu dagaalka ku dhaawacmay guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Ali Ibrahim.

Wararka ayaa sheegay in saaka ay xaaladu tahay mid degan, isla markaana goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Degmada Qoryooley ee Gobalka Sh/hoose ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka ay inta badan ka dhacaan weerarada ay geystaan Al-Shabaab oo ku sugan meelaan ka fogeen degmadaas, waxaana saraakiisha ciidamada xoogga dalka ay horay u sheegeen inay ka saari doonaan.

IDIL NEWS