Macharia Kamau “Annagu ma eryin Safiirkii Soomaaliya ee Nairobi”

NAIROBI (IDIL NEWS)-Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau ayaa sheegay in aanay Kenya eryin Safiirkii Soomaaliya u joogay Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, kaasoo saaka dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Amb. Macharia ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku qoray waxaa uu sixitaan ku sameeyay sida Warbaahinta uga hadashay tallaabadii Kenya ay ugu yeeratay Safiirkeeda, kuna wargelisay Safiirka Soomaaliya inuu ku laabto dalkiisa.

“Uma yeeranin Safiirkeena, mana eryin Safiirka Soomaaliya, waxaan Safiirkeena ugu yeernay Wadatashi, waxaan safiirkooda weydiisanay inuu tago, si uu wadatashi ula soo yeesho, si aan u xallino arrintan oo warbixin sax ah u helaan labada dhinac”ayuu yiri Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa qoraal ay soo saartay waxay dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay dhulkooda ku soo xadgudubtay, isla markaana ay beecisay shidaal dhul badeedka xuduudkooda ah.

IDIL NEWS