Maxaa ka dhalan karra go,aanka Kenya xariirka ugu jartay Soomaaliya ? (Warbixin)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Kenya ayaa dalkeeda kasoo Eriday Safiirka Soomaaliya u joogay Nairobi Maxamed Axmed nuur Tarsan, kaas oo maanta barqadii soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Eryidan ayaa timid kaddib Markii Kenya ay ku dhawaaqday inay Dowladda Soomaaliya ku xad-gudubtay Hantida Dadka Reer Kenya, Sidoo kalena ay beec geysay Shidaalka iyo Macdanta ku jirta Badda lagu muransan yahay.

Xoghaya Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau, oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi xalay fiidkii, ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay Cadowga Kenya kaddib markii ay Soomaaliya dhul badeedkeeda ku darsatay ceelal shidaal oo uu muran ka taagan yahay sida ay hadalka u dhigtay Kenya.

Hadaba, Saameyn intee le’eg ayay Soomaaliya ku yeelanaysaa Go,aanka Dowladda Kenya ay xariirka ugu jartay Soomaaliya ?

Dhageyso Warbixin ay idinkaga Diyaarisay Idil News.

WARBIXIN XASAASI AH.

IDIL NEWS