Maxkamadda Darajada 1-aad ee G. Bari oo Xukun dil ah ku riday Rag dilay Ganacsade (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Maxkamada Darajada Koobaad ee Gobolka Bari ee Dowladda Puntland, ayaa xukun Dil ah ku riday Afar Qof oo lagu soo eedeyay iney ka danbeeyeen Dilka Ganacsade Salaad Cabdi Cukaash oo 11-kii Bishan lagu Dilay Magaalada Boosaso.

Ragan ay Maxkamaddu ku riday Xukunka Dilka ah oo ah Dhalinyaro, ayaa Ciidamada amniga Dowladda Puntland kasoo qabteen Xaafada Raf iyo Raaxo ee Magaalada Boosaaso, kaddib howlgallo Ciidamadu ay ka fuliyeen Dilka kaddib.

Eedeeysanayaashan ay xukunka dilka ah lagu riday Maxkamaddu, ayaa lagu kala Magacaabaa Daahir Dalmar Saalax, Farxaan siciid Yusuf, Cabduftax Axmed Xasan, Maxamed cabdiraxman Maxamud, kuwaas oo ay ku cadaatay inay ka dambeeyeen Dilka Marxuum Salaad Cabdi Cukaash oo kamid ahaa Ganacsatada Boosaaso.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koobaad ee Gobolka Bari ee Dowladda Puntland Abuukar Cabdinuur Jaamac, ayaa sheegay Inuu kiiskan ka furanyahay Racfaan 30 Cisho gudahood ah.

Daawo.

IDIL NEWS