MUQDISHO: Wararkii ugu dambeeyay ee Qarax lala eegtay Ciidamada AMISOM.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo miino lagula eegtay agagaarka Isgoyska Ex Koontarool Balcad ee degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir, Kolonyo Ciidamada AMISOM.

Qaraxyada ayaa si aad ah looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana kolonyada la qarxiyay ay aheyd mid wadada mareysay.

Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kaddib waxay fureen rasaas culus, taasoo aan si rasmi ah la ogeyn khasaaraha ay sababtay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in kolonyada AMISOM ay waxyeelo soo gaartay, sidoo kale ay jiraan dad rayid ah oo wadada marayay oo iyana wax gaareen, balse si rasmi ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

Inta badan Ciidamada AMISOM ayaa qaraxyo lagula eegta Suuqa Xoolaha illaa Isgoyska Ex Koontarool Balcad.

IDIL NEWS