Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), Safiirkii Dowladda Soomaaliya ee Kenya ayaa goordhaweyd kasoo dagay garoonka diyaaraadaha magaaladda Muqdisho.

Dowladda kenya ayaa Denjire Tarsan ku Amartay in dalkeeda isaga baxo kadib markii uu xumaaday Xiriirkii Diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Soomaaliya oo ay sheegtay in ay kusoo xad-gudubtay hantida dadka reer Kenya.

Diyaaradda uu la socday waxaa saarnaa Marwada Madaxweynaha Dowladda Somaliya & Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Somaliya oo xalay soo gaaray Nairobi, islamarkaana u soo gudbaayay Muqdisho.

Dhanka kale Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Macharia Kamau, ayaa sheegay in Kenya aysan marnaba iska indha tiri doonin arrinkan soomaliya sameysay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab ka soo saarto tallaabadii Dowladda Kenya ay qaaday ee ay dalkeeda kaga soo saartay Safiirkii Soomaaliya.

IDIL NEWS