Wax ka ogow sida Reer Galbeedku u Taageeraan Ethiopia iyo Kenya.

Dadyowga maanta loo yaqaan Reer Galbeedka waxa ay wadaagaan Afaf, Qiyam iyo Dano mideeya oo ay isu Hiilantoodu kuwada dhintaan waxaana Ilaashiga Danahoodu u mideeyeen Awoodooda oo dhan.Siyaasad,Dhaqaale, Ciidan iyo Warfaafin xooga Dunida ay ku leeyahiina halkaas ayuu ka imaanayaa.

Reer Galbeedku iyagoo sidaa u mideysan oo Dantooda u wada Maleeganama u wada Geeyfan ayey Dadyowga kale la Xaajoodaan oo Xitaa Shaqsiga Qura u Abaaraan iyadoo Soomaalida oo kala daadsan oo awoodoodu liidatana sidaas ayey ula Dhaqmaan.
Tusaale ahaan mudo dheer ayey Dalalkaasi oo dhami Soomaalida ku Colaadinayeen oo ku Go,doomiyeen maxaa Askari Mareykan ahMeydkiisa Dhulka loogu jiidey Magaalada Muqdisho.

Soomaalida inta madaxbanaani loo oglyahay iyo inta ku xukuman in Umad kale ay Hoos joogto Beri Fog baa Magaalada London lagu Go,aamiyey waana Qorshe ku Dherersan Danta Ninka cad ee Maalintaa,Maanta iyo Beriba ee ah Daciifinta iyo Fadqalaleynta Soomaalid kuna Arooreysa Mideynta iyo Xoojinta Bulshooyinka la Deriska ah.

Guud ahaanba Juquraafiga Siyaasadeed ee Geeska Afrika waxaa uu ku saleysan yahay Indho Cadaaweed oo Umada Soomaaliyeed lagu eegey waayo ?

Kenya Ethiopia iyo Soomaalidu maxey ku kala duwan yahiin oo Cadaanku uu u Xigsadey oo ay iyagu ugu Hiilinayaan ? maxaa Ethiopia weligeed loo kool kooliyaa Soomaalidana loo Duleeyaa ? maxaa Dal Kenya la yiraahdo loo Abuurey oo waxaas oo Qowmiyad ah loogu Uruuriyey isla markii Isirka soomaalida la kala Qoqobey ? Ingiriisku kolkii ay Soohdimaha khaarada Afrika ay Jeexayeen maxey ku keeneen in Qowmiyado kala dhaqan, kala Af iyo kala Diin ah Soohdin kuwada xareeyey ( sida Kiinyaatiga ) isla markaa Qoowmiyado kale oo intaaba wadaaga dhawr meelood ay ugu qeybiyeen ( sida Soomaalida ) Jawaab koley anigu igu filan baan u heystaa waxeyna tahay. Ingiriisku waxaa uu doonayey Dadyowgii Afrika ee Berigaa Qaramoobi lahaa in uu tiisa ku yeesho oo Dantiisa Dhaqan iyo Dhaqaale ku Talaalo.

Ethiopia waa Dal ay ku dhaqan yahiin Tobanaan Qoowmiyadooda sida Oromo,Amxaaro,Tigree, Canfar,Soomaali iyo qaar kaloo badan kuwaas oo kala Afaf,Dhaqamo iyo Diimo kala duwan leh.Qolada Amxaarada la yiraahdo oo Awood Taariikhi ah ku leh Dalka Ethiopia waxaa la sheegaa Asal ahaan iney ka soo jeedaan Galbeedka Khaarada Aasiya oo ay Isimo la wadaagaan Carabta iyo Yahuuda dhulkaas oo ay ka yimaadeen intii u dhaxeysey 500 ilaa 100 sano Nebi Ciise hortii waxaana ay ku badan yahiin dhulka Buuraleyda ah waana Bulsho Beeraley ah oo ku dhisan kala sareyn iyo is Adoonsi aad u xun iyada oo dhaqan ahaan qofka Awoodiisa ay ku xirneyd lahaanshaha dhul Beereedka iyadoo Tiradoodu lagu sheego 20 milyan ka badan waxeyna u badan yahiin Masiixi inkasta oo ay Muslimiin ku jiraan.

Amxaaradu Diinta Masiixiga waxaa ay ka soo gashey dhanka Masar xiligii Roomaanka halkaa heysteen 300 sano Nebi Ciise dabadii sidaas ayeyna Amxaarada iyo Qolooyinka kale Masiixiga ku yeesheen Abaabul,Awood fiican iyo Nidaam Dawladeed.

Hadaba markii markii Diinta Islaamku Geeska afrika dhanka Bari kaga soo fidey ayaa Labadii qolo ee Soomaliya iyo Ethiopia uu ka dhex qarxey Loolan gaar ahaan Qarniyadii dhaxe oo ay Masiixiyada Yurub Gobolka soo fara galisey ayey Colaada Diimeed si xoogeysatey Berigaa ilaa Maanta ayey Cadaanku u wadeen Hiilo ama Garab istaaga Masiixiyada Ethiopia oo ay Taladana ugu haayaan ayna maalin Qurana uga harin xitaa mudadii uu talada haayey Golahii Dergiga ee Madaxweyne Mingistu Xeyle Maryam oo ahaa Diinlaawe Shuuci ah sidaas ayaa loo Garab Taagnaa.

Quwadaha Cadaanka marka ay Tumayaan Durbaanka Dimuqraadiyada iyo Xaquuqda Dadka Ethiopia waxaa saaran weligeedna saarnaa kelitalisnimo iyo Dulmi Siyaasadeed kii ugu xumaa.

Dalka Ethiopia waxaa ka dhaca Gumaad Dadweyne,Barakicin,Caburin iyo Kufsi Abaabulan oo Ciidamada Dawlada Ethiopia ay geystaan.

Xabsiyada waxaa ku Qurmey kumanaan qof oo Siyaasad u xiran iyadoo sidaas ay tahay ayaa Ethiopia waxaa loo furey Dur- Dur dhaqaale, Taageero Ciidan iyo Ilaalin Dhinaca Siyaasadeed oo aan kala Reebneyn waxaana Dimuqraadiyad iyo Xaquuq dad lagaga maarmey in Qolada Masiixiga ah Talada Dalka Ethiopia haysato oo Muslinka ay Madaxa kaga taagnaadaan.

Dhinaca Dalka Kenya hadaan u leexano taas waa ay la wadaagtaa waxna kaga duwan tahay.

Maalmahii dhawaa ee ay Al shabaab Magaalada Nairobi ay Weerareen Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta khudbadii uu dadkiisu kula hadley waxey aheyd Af Ingiriisi Luqadaas oo aysan Dadkiisu laheyn waxaa badey iyada oo Tobanaanka Qoowmiyadood dalka Kenya kuwada dhaqani aaney laheyn Luuqad ka dhaxeysa oo lagu wada hadlo sidaa darteed Madaxweynaha Kenya inuu Af Ingiriisi Dadkiisu ugu khudbeeyo waa Qorshahii Ingiriiska. Awelba waxaas oo Dad ah dal cusub oo Kenya la yiraahdo ugu Uruuriyey oo si wacan u shaqeeyey.

Dhanka kalena Qoowmiyadaha aan waxba wadaagin sida Kenya waxey u baahan doonaan wax ka dhaxeeya oo ay kuwada nooladaan gaar ahaan Afka iyo Dhaqanka.

Hadaba maanta waa inaan is Garab taagnaa Dawlada Somaliya ee la handadayo Fadlan Somaliyeey aan u midawno Cadawga.

Somaliya haguulaysato✌✌✌✌

Mubarak Ashkir.