Ciidamada Jabuuti Iyo Al-Shabaab oo Madaafiic isku weydaarsaday Degmada Jalalaqsi.

JALALAQSI (IDIL NEWS)-Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar Madaafiic ah ku qaaday Saldhig Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin Galbeedka degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in duqeynta ay ku dileen shan askari Jabuutiyaan ah, halka 12 kalena ku dhaawaceen, inkastoo aanay jirin warar xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Ciidamada Jabuuti ayaa la Sheegay inay dhankooda ay Madaafiic kale ku jawaabeen, Dadka degaanka Jalalaqsi ayaana sheegay in madaafiicdii xalay ay cabsi ku abuurtay.

Sidoo kale, Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo ka sameeyay duleedka degmada Jalalaqsi oo la rumeysan yahay in madaafiicda laga soo tuuray.

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa saldhigyo ku leh degmooyinka Jalalaqsi, Buulo Burde iyo Beledweyne oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

IDIL NEWS