Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Africa.

PORT ELIXABETH (IDIL NEWS)-Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo sidoo kale ahaa Ganacsade.

Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim, wuxuuna dilkiisu ka dhacay Xaafada New Brighton Magaalada Port Elizabeth Ee Gobolka Eastern Cape ee dalka koonfur Afrika.

Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah Ganacsatada Xaafadda uu dilka ka dhacay, kooxo hubeysnaa ayaa hoygiisa ku weeraray, islamarkaana ku dilay, Iyadoona ka baxsaday goobta.

Sanadkaan cusub ee 2019-ka kooxaha burcadd koonfur Afrikaanka ah ayaa kordhiyay dilalka ay u geystaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ciidamadda amaanka dalka Koonfur afrika ayaa lagu eedeeyay in aysan u diyaarsaneen la dagaalanka kooxaha dilalka geysta.

IDIL NEWS