Soomaaliya : Cashar Diplomaasiyadeed – u Dhigtay Deriskeeda !

Wargaysa African Exponent oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer qaaradda Afrika, isla markaana kasoo baxa dalka Tanzania ayaa ku camirtay dalka Kenya, isagoo qoray sheeko uu cinwaan uga dhigay ”Kenya oo isku ceebaysay muranka diblomaasiyadeed ee ay ku weerartay Somalia!”

Wargayska ayaa sheegay in Kenya ay dooratay erayo ixtiraamka ka arradan, isla markaana ay ogaysiis la’aan cayrisey ergaygii Somalia u fadhiyay dalkeeda, halka Somalia ay ku jawaabtay wax muujinaya jawaabta uu bixin lahaa dal casri ah oo dunida la jaan qaadaya, taasoo buu yiri ukun fuunto ah wejiga uga jebisey Kenyan.

Kenya ayaa mar qura 2009-kii jeebka kala soo baxday dood gebi ahaanba cusub oo ay ku sheegayso inuu jiro dhul badeed ay kula muransan tahay dalka Somalia, kaddib heshiis lagu sheegay ”is afgarad” oo ay qolal mugdi ah 2009 kula saxiixatay siyaasiyiin xilligaa Somalia metelayay.

Kenyan oo tixraacaysa shirkii bandhigga shidaalka Somalia ee 7-dii Febraayo London lagu qabtay ayaa arrintaas ku tilmaantay “fal laga argagoxo oo daandaansi ah” iyadoo intii ku lug leh ku tilmaantay ”cadowga Kenya”, intaana kuma hakane waxay Kenya dalkeeda ka cayrisey danjirihii Somalia.

Gardaro AAN LOO MEEL DAYIN

Yeelkeede, Spectrum Geo website, ayaa muujinaya in baloogyada ay Kenya sheeganayso aysan xitaa ku jirin kuwii lagu bandhigay shirkii London, laba balood unbaa u dhow, qaybta 3-xagalka ah ee ay Kenya ka waddo sheekada ku dhisan ”ku qabso ku qadi mayside!”.

Wargayska ayaa haddaba qoraya, in eed sheegashada Kenya ay tahay mid lala degdegey, balse aanay jirin baahi taa keenaysa, mana keenin wax caddaynaya inay Somalia wax xaraashtay gebi ahaanba.

DF Somalia ayaa dhankeeda tiri sidatan: “Somalia ma dejinin wax qorshe ah oo hadda iyo hadhoow ah oo ku aaddan sahminta meelaha ay Kenya sheeganayso, ilaa lagu xalliyo maxkamadda ICJ.”

Wuxuu wargaysku sheegay in marka la eego jawaabta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia ay ka muuqato dadnimo, taxaddar, xeerin iyo xirfad.

Wuu sii hadlayaa oo wuxuu qoray wargayska AE, Kenya waxay tiri, “DF Somalia waxay markale caddaysay inaysan weli gaarin qaan gaarnimo siyaasadeed oo laga doonayo dowlad si wanaagsan loo agaasimey oo casri”.

Taasi waa mid u qaadan waa ah ayuu leeyahay wargaysku, waayo DF Somalia waxay jawaabteeda ku muujisay deganaanta laga doonayo dal casri ah, halka Kenya ay is ceebaysay oo ay wejiga iska gubtey.

WD.Abdirisak Jubba.