Waa Kuwee Wasiirada cusub ee Puntland ee maanta Xilka la Wareegaya ?

GAROOWE (IDIL NEWS)-Magaalada Garoowe waxaa ka si weyn uga socota Xil wareejinta Wasiirada cusub iyo Wasiiradii hore ee Dowladda Puntland, kaddib markii Golaha Wakiiladu ay codkii kalsoonida aheyd siiyeen Xukuumadda cusub maalinimadii sabtida aheyd.

Wasiirada cusub ee Wasaaradaha Maaliyadda, Degaanka iyo Caafimaadka ayaa shalay la wareegay Xafiisyadoodii, Iyagoona Masuuliyiintii hore ee Wasaaradahaas ay ku wareejiyeen Dukumeentiyadii iyo xogihii Wasaaradahaasi ay ku shaqeynayeen 5 sano ee lasoo dhaafay.

Wasiirada cusub ee maanta la wareegaya xilka ayaa waxaa kamid ah Wasiirada Wasaaradaha Cadaalada, Haweenka iyo Xanaanada Xoolaha, Iyadoona haatan ay socoto Munaasabadaha xil wareejintooda.

IDIL NEWS