Wasiirka Cusub ee Haweenka Puntland oo Xariga ka jartay Xarun cusub oo muhiim ah (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qeyska Dowladda Puntland Marwo Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, ayaa maanta Xilkii kala wareegtay Wasiiradii hore ee Wasaaradaas Marwo Maryan, Iyadoona Munaasabadda xil wareejinta ay goobjoog ahaayeen Guddiga la socoshada Xil wareejinta.

Wasiiradii hore ee Wasaaradda Haweenka Puntland, oo si rasmi ah xilka ugu wareejisay Wasiirada Cusub, ayaa ka warbixisay Dhismihii Wasaaradda iyo Degaanada ay xarumaha ku lee dahay, Sidoo kale wasiirada ayaa Sheegtay in Wasaaradda ay ugu timid 180,000 oo dollar oo deyn ah, balse haatan aan waxba lagu laheyn.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qeyska Dowladda Puntland Marwo Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, ayaa Sheegtay inay sii laba jibaari doono Howlihii ay heysay Wasiirada ay xilka kala wareegtay.

Dhanka kale, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Wasiiradii hore, ayaa xariga ka jaray Xarunta cusub ee Daryeelka Haweenka Dhibta la kulma, taas oo ah Xarunta kaliya eek u taalla Guud ahaan Soomaaliya, markii ugu horeysayna laga hirgaliyay Puntland.

Daawo.

IDIL NEWS