Xaafiiskii Xisbiga Wadajir Garowe oo albaabada loo laabay

Xaafiiska Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo CC.Warsame ee Garowe,ayaa albaabada loo laabay.

Xiritaanka Xaafiiskan waxaa amray Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Gu’jir oo fulinaya sida aan xogta ku helnay amar kaga yimid dhanka Madaxtooyada Puntland.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur,ayaa si xoog leh waxaa loolan ugala dhaxeeyaa madaxda Dowlada Fadaraalka xiligan hogaaminaysa.

Waxaa xusid mudan in Xisbiyo dhawr ah ay Xaafiisyo ka furteen Garowe,kuwaasoo uu ku jiro Xisbiga Madaxweynihii hore Somaliya Sh.Shariif Sh.Axmed.

Go’aanka lagu xiray Xaafiiska Xisbiga Wadajir,ayaa noqonaya mid lagu qancinayo Dowlada Fadaraalka ah sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Dhanka kale waxaa horay ujiray dhaleecayn ku aadan furida Xisbiyada Xamar ee Garowe,maadaama Dastuurka Puntland uu qabo in aan Xisbiyada heer Fadaraal laga furi karin Puntland ilaa la hawlgaliyo kuwa gudaha Puntland.

Madaxweyne Gaas,ayaa hor taagnaa xiligiisii in Xaafiisyadan laga furo Puntland,balse Madaxweyne Deni,ayaa is deg-deg ah u ogolaaday furashada Xisbiyadan doorashadisii todobaad kadib.

Sidoo kale Madaxweyne Deni,waxuu umuuqdaa mid qancinaya madaxda Dowlada Fadaraalka ah,balse aan ilaalinayn doorka Puntland iyo xuquuqda siyaasiyiinta kale ee Somaliyed.