Xildhibaan Zakariye “Waxaa jira Dad Soomaaliyeed oo la safan Kenya” (DHAGEYSO)

MUQDISHO (IDIL NEWS)- Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay khilaafka haatan taagan ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Xildhibaan Zakariye Xaaji ayaa sheegay in qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyadda ay la safan yihiin Dowladda Kenya oo haatan khilaaf uu kala dhaxeeyo Soomaaliya.

Zakariye Xaaji ayaa tilmaamay in hadii ay midoobaan Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dowladaha caalamka kusoo dhiiranaynin faragalinta arrimaha Soomaaliya.

Hadalka Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa kusoo aadaysa xili uu jiro khilaaf u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo ka dhashay Arrinta Badda, iyo shirkii Soo bandhigida Shidaalka Soomaaliya ee ka dhacay 7-dii bishaan Magaalada London.

DHAGEYSO.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

IDIL NEWS