Dowlada Sacuudiga oo ku wareejisay Waftigii Somaliya Lacag Cadaan ah(Daawo)

Ra’isal Wasaare  ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay weheliyaan Wasiirrada Maaliyadda iyo Xannaanada Xoolaha, Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’isalWasaaraha iyo mas’uuliyiin kale,ayaa maanta Magaalada Riyaad kula kulmay qaar ka mid ah Wasiirrada Boqortooyada dalka Sucuudi Carabiya.

Wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale ee kulamada uu la qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kala ah wasiirka arrimaha dibada, wasiir ku-xigeenka maaliyada iyo sii hayaha Wasiirka ganacsiga, iyo ku-xigeenka Madaxa Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga.

Marka laga soo tago kulamadaas,waxaa jira ilo lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in Dowlada Sacuudigu ugu deeqday Dowlada Fadaraalka Somaliya dhaqaale Cadaan,kaasoo ay soo gudoomayaan waftiga uu hogaaminayo ra’isalwasaare xigeenka mudane Khadar,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

Halkan ka daawo muuqaalka