Ganacsatada Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay inay Joojiyeen Qaadkii Kenya(Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ganacsatada Soomaalida ee qaadka ka keensan jirtay dalka Kenya ayaa gabi ahaanba ku dhawaaqay inay joojiyeen qaadkii ay ka keeni jireen dalkaasi.

Gudoomiyaha Guddiga qaadleyda Somaliyed Qooje Maxamuud Qayliye, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta ay ugu dambeyso qaad laga keeno dalka Kenya.

Guddoomiye Qooje ayaa sheegay inay doorteen garab istaaga dalkooda iyo dadkooda, islamarkaana Suuqii ganacsiga ee qaadka maanta wixii ka dambeeya ay u wareejiyeen dalka Itoobiya.

“Laga bilaabo maanta waan joojinay qaadkii inooga imaan jiray Kenya, waxaana ka dooranay difaaca qarankeeda, badeena & dhulkeena, wixii intaasi dheer oo Siyaasad ah waxaan u dhaafnay Dowladda Somaliya, qaadkana waxaan ka keensaneynaa dalka Itoobiya oo Suuqeenii aan u wareejinay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga Ganacsatada Qaadleyda Soomaaliyed.

Go,aankan ay maanta ku dhawaaqeen ganacsatada Soomaaliyed ee ay ku joojiyeen qaadkii uga imaan jiray dalka Kenya, ayaa muujinaysa mid ganacsatada Soomaaliyed ay qaateen talaabo ay ku garab istaagayaan Dowladda Soomaaliya oo haatan xiisada ku saleysan xuduud badeed uu kala dhaxeeyso Kenya,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

IDIL NEWS