Madaxweyne Deni oo safarkiisii ugu horeeyay dhowaan u baxaya, Halkee ku tagaya ?

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa dhowaan soo dhisay Golihiisa Xukuumadda, Isagoona sabtidii lasoo dhaafay codka kalsoonida ah si aqlabiyad leh uga helay Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Golaha Xukuumadda cusub ayaa hada bilaabay inay kala wareegaan Xarumaha Wasaaradaha Wasiiradii Xukuumaddii hore, Iyadoona la filayo inay Maalmaha soo socda soo idlaato Xil wareejintan.

Warar laga helayo Madaxtooyadda Dowladda Puntland, ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu dhowaan bilaabayo socdaal uu ku marayo Degaanada Puntland, kuwaas oo intooda badan uu horey u soo maray markii uu ahaa Musharaxa.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in safarkiisa ugu horeeya uu si deg deg ah ugu baxayo Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland, taas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka jireen falal ammaan darro, wallow hada ay ka socdo howlgallo culus oo lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa dhawan lagu dilay Madaxii Mashruuca Horumarinta Marsada Boosaaso ee Shirkadda DP World Paul, taas oo muujisay heerka ammaanka ee magaaladaas iyo sidda ay ugu baahan tahay in wax laga qabto.

Madaxweyne Deni ayaa marar badan afka ku adkeeyay xaalada ammaan darro ee Magaalada Boosaaso, isagoona tilmaamay inay tahay ammaan darada Boosaaso mid dhaawac weyn ku ah hormar Degaanada Puntland.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF Iyo PMPF, oo dhaqaalahooda ay bixiyaan Dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, ayaa shaldhigyo waa weyn ku leh  Magaalada Boosaaso, iyadoona Shacabka Puntland ay u dhaliilsan yihiin Ciidamadan oo ay sheegeen inay ka saaxdeen ammaan Magaalada xudunta u ah Puntland.

Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Jen, Muxuyadiin Axmed Muuse oo hogaaminaya howlgal lagu xaqiijinayo Ammaanka Boosaaso, ayaa daaha ka qaaday in uu jiro kala fogaansho u dhaxeeya Shacabka iyo laamaha Ammaanka.

Si Kastaba, xal u helida ammaanka Magaalada Boosaaso iyo Tilaabada uu ka qaato ayaa tijaabo u ah Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, waxaana si weyn isha ugu haya Shacabka Degaanada Puntland oo aad uga walaacsan xaalada Boosaaso.

IDIL NEWS