Moses Watangula”Aniga iyo C.C.Warsame horay ayaan heshiis uga gaarnay khariirada Badda”.(Daawo)

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya Moses Watangula, ayaa sheegay in ay Dowladaha Somaliya iyo Kenya kala saxiixdeen Heshiiskaasi xilligii Dowladdii Madaxweyne Mawaay Kibaaki, waa sida uu hadalka u dhigay.

Moses Wetangula oo hadalkan ka jeediyey Xarunta Dhexe ee Xisbiga FORD ee magaalladda Nairobi ma uusan sheegin Sannadka saxda ee Heshiiskaasi qalinka lagu duugay, inkastoo uu isagu Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ahaa Kenya muddadii u dhexeysay sannadihii 2008-dii ilaa 2010-kii iyo mar labaad oo loo doortay xilkaasi sannadihii 2011-kii ilaa 2012-kii.

“Ka Wasiir ahaan, waxaan Wada-xaajood la galay Dowladdii Somalia ee xilligaasi, waxaana wada saxiixanay Heshiiska lagu calaameeyey xuduud-baddeedka” ayuu yiri Mosees Wetangula.

Waxa uu intaasi ku daray inay Nuqulka Heshiiskaasi iyo Khariidda Badda ee la isla gartay u gudbiyeen Midowga Afrika iyo QM, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Mosees Wetangula waxa uu Dowladda Kenya u sheegay inay Kenya leedahay xuduud-baddeedka ay Somaliya qabsatay, wuxuuna intaasi ku daray in Kenya looga baahan yahay inay la xiriirto Saaxiibadeeda si ay ugu muujiyaan Dhaqdhaqaaqa Joogitaanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan waxuu dhabarjab ku yahay siyaasi C.C.Warsame,isla markaana waxuu garab u yahay kooxda Nabad iyo Nolol ee xiligan hogaamisa Villa Somaliya,taasoo xifaaltan siyaasadeed oo adag kula jirta C.C.Warsame iyo Xisbigiisa,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka