Qalabka lagu dhisayo Wajiga labaad ee Dekedda oo gaaray Garacad (Sawirro)

GARACAD (IDIL NEWS)-Degaanka Garacad ee Gobalka Mudug, waxaa gaaray Gaadiid sida qaar ka mid ah qalabka lagu bilaabayo wajiga labaad ee dhismaha dekadda Degaankaas.

Qalabkan oo ah mid qeyb ka ah Qalabka lagu bilaabayo Dhismaha Wajiga Labaad ee Dekedda Garacad oo ah mid loogu gudbayo Badda gunteeda, ayaa maalmihii ugu dambeeyay si weyn looga sugayay Degaanka.

Guddiga Dhismaha Dekedda Degaanka Garacad, ayaa gabagabadii wajiga kowaad ee Dekedda Sheegay in qalabkan oo ah mid muhiim ah, uu kusii xigi doono Qalab kale oo Degaanka uga imaanaya dhinaca Badda.

Dhismaha Wajiga labaad ee Dekedda Garacad, ayaa si weyn looga dareemaya Guud ahaan Puntland, waxaana Degaanka Garacad kusii qulqulaya Ganacsato, Maalgashadayaal, Iyo Dad Badan Oo Shaqa Doon ah, kuwaas oo fursado ka raadinaya Dhismaha Dekedda Garacad.

Dekedda Garacad oo ah mid ay iska kaashanayaan Dhismaheeda Shacabka Puntland, gaar ahaan Shacabka Gobalka Mudug, ayaa waxaa uu bilowday Dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2018-ka, waxaana la filayaa in sanadkan lagu soo gaba-gabeeyo.

Sawirro.

IDIL NEWS