Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo Casuumaad u diray Madaxweynaha Somaliland.

HARGEYSO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu wadda in maalinimada burrito ah uu safro Magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kaddib Casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda Itoobiya.

Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa in uu Addis ababa kula kulmo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kaas oo ay ka wada hadli doonaan xariirka labada dhinac iyo is-bedelada ka socda Gobalka Gees Africa.

Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Addis ababa, ayaa ah kii ugu horeeyay ee Biixi uu ku tagayo, tan iyo markii uu is-bedelku ku dhacay Itoobiya, Ra’iisulwasaarahana loo doortay Mr. Abiy.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir dhinacyo badan oo ku qotama, kaas oo ay ugu waa weyn yihiin Dhinacyada Ammaanka, dhaqaallaha iyo is-dhexgalka Bulshadda.

Safarkaan Biixi uu ku tagayo Addis Ababa, ayaa kusoo aadaya xilli Soomaali badani aaminsan yihiin in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaliya uu Mamnuucay in Madaxda Dowlad Gobaleedyadu ay tagaan Dalalka dariska ah, Wallow Somaliland ay horey ugu dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya.

IDIL NEWS