Shir muhiim ah oo maanta ka furmay Muqdisho (Sawirro)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Magalada Muqdisho waxaa Maanta ka furmay Shirweynaha Qaran ee soo bandhigida iyo xaqiijinta hanaanka dhab-u-heshiisiinta Qaran,waxaana shirkaasi soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,waxaana ka qeyb galaya oo goobjoog ka ah qeybaha kala duwan ee bulshada, wakiilo ka socda maamul goboleedyada iyo maamulka gobalka Banaadir.

Shirka ayaa diirada lagu saarayaa arrimaha dib u heshiisiinta iyo sidii dhab looga dhigi lahaa,waxaana xusid mudan in meelo badan oo dalka ah ay ka dhacayaan dagaal beeleedyo halka kuwo kale xal horay looga gaaray.

Sawirro.

IDIL NEWS