Shirkadda Spectrum oo qoraal kasoo saartay Xiisada Soomaaliya iyo Kenya (Akhriso)

LONDON (IDIL NEWS)-Shirkadda Spectrum oo ah shirkadii sahminta ku sameysay Shidaalka Soomaaliya ayaa War ka soo saartay arrinta sahminta shidaalka Soomaaliya iyo cabashada ka timid Kenya oo sababtay khilaaf soo kala dhex galay dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal ay shirkadda Spectrum soo saartay ayaa waxa ay ku sheegtay in Shirkii Magalada London ka dhacay 7-dii Bishaan lagu xaraashin xirmooyin la sahmiyay ee shidaalka Soomaaliya.

Sidoo kale shirkaddu waxa ay sheegtay in dhul Baddeedka sahminta lagu sameeyay ee lagu soobandhigay shirkaas uu yahay mid  ay leedahay Soomaaliya,kadib markii dowladda Kenya ay sheegtay in Soomaaliya ay suuqgeyn u sameysay Dhul ay leedahay oo shidaal uu ku jiro.

Qoraalka Shirkadda Spectrum ayaa lagu muujiyay dhul badeedka ay shirkadu sahanka ka sameysay iyo qeybta dhul badeedka ay ku muransan yihiin dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Lama oga qoraalkaan uu ka bedeli karo khilaafka xilligaan u dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo Kenya kaas oo soo bilaawday sabtidii kadib markii ay Kenya u yeertay safiirkeedii joogay Soomaaliya sidoo kalena safiirkii Soomaaliya ee dalkaasi ku amreen in uu dalkiisa u laabto.

Akhriso Qoraalka Kasoo baxay Shirkadda Spectrum.

IDIL NEWS