Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo wax laga weeydiinayo khilaafka Cusub ee Somalia iyo Kenya.

NAIROBI (IDIL NEWS)-Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Moniko Juma ayaa lafilayaa in Maanta oo Talaado ah inay hortagto Baarlamaanka dalkaas si wax looga weeydiiyo khilaafka cusub ee Siyaasadeed oo xilligaan u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Katoo Metito oo ah Guddoomiyaha guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda baarlamanka Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in sababta ay Wasiirka Arrimaha dibada ugu yeereen ay tahay in ay ogaadaan waxa dhaliyay xilligaan khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.

Warar kale oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Haweenyda wasiika Arrimaha dibada ka ah Kenya ee Monico Juma ay Soomaaliya imaan doonto si looga wada xaajoodo khilaafka labada dal taas oo dhalisay in Safiirkoodii ka joogay soomaaliya u yeertan sidoo kalena safiirkii Soomaaliya ee Kenya ku amraan in uu dalkiisa u laabto.

Baarlamaanka Kenya oo qorshohoodu ahaa inay Maanta ka doodaan miisaaniyadda Dowladda ee Sanadkaan ayaa dib u dhifgay sababo la xiriira khilaafka Soomaaliya iyo Kenya,isla markaana ay u yeereen Wasiirka Arrimaha dibada dalkaas si ay wax uga weeydiiyaan.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Haweeneyda lagu Magacaabo Monico Juma ayaa lafilayaa iney warbixin ka siiso Baarlamaanka dalkaas xaalada guud ee ku xeeran khilaafka labada dal ee salka ku haya shirkii 7-dii Bishaan kadhacay london ee lagu soo bandhigay Shidaalka ku jira Soomaaliya.

Khilaafka diblumaasiyadeed ee xilligaan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah mid weli taagan,waxaana dowladda Kenya ay ku xiray Saddex shuruudood oo adag xalinta khilaafka labada dal.

IDIL NEWS