Madaxtooyada Somaliya oo baajisay kulan dhex mari lahaa Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi(Daawo).

Si kastooy Itoobiya u buunbuuniso Maamulka Waqooyi-galbeed Somaliya ee haatan loo yaqaan Somaliland,hadana Dowlada Fadaraalka Somaliya waxay ka qaadatay kulankii la qorsheeyay go’aan ay shacabka soo dhaweeyeen.

Madaxtooyada Somaliya waxay gaashaanka udaruurtay codsigii Madaxtooyada Itoobiya ee ahaa in ay kulmaan Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi.

Dowlada Somaliya waxay ku dooday in ay mabdi’iyan soo dhawaynayso kulankaas,sidoo kale ay qadarin u hayso itoobiya oo door ku yeelata wada xaajoodkaas,balse aysan inkiri karin doorkii soo socday mudooyinka sanadaha ah ee ay lahayd Dowlada Turkiga.

Dowlada Turkiga,ayaa wada hadalada Dowlada Fadaraalka Somaliya iyo Maamulka Waqooyi-Galbeed ee loo yaqaan Somaliland waxay soo waday mudo ku dhow 4-sano,waxayna haatan umagacawday ergay gaar ah.

Dowlada Itoobiya oo ay dhabarka ka taagan yihiin Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka,ayaa soo abaabulay kulankan,iyagoo ujeedadoodu tahay in gacmaha Turkiga laga saaro wada hadaladan muhiimka u ah qaranimada Somaliya.

Somaliland waxay ku faraxsan tahay iyadu in Dowlado ay is leedahay way kaaga dabacsan yihiin Turkiga faraha loo galiyo wada hadalada ay dhankooda ugu yeeraan Somaliya iyo Somaliland.

Dowlada Somaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo waxay ka istaagtay kulankan meel adag,iyadoona xushmad sare umuujisay doorka Turkiga.

Dowlada Turkiga,ayaa ah Sxb ama Walaal xili xaalka Somaliya aad u adkaa garab istaagtay,inkastoo waxtarkeedu ku koomay Magaalada Muqdisho,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka.