Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda dilkii Xeer ilaaliye ku-xigeenka Qaranka.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dilka  xeerilaaliye ku xigeenkii Qaranka Maxamed Mursal  oo maanta lagu dilay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamo ka tirsan Shabaab ay dileen xeerilaaliye ku xigeenka ka dibna ay baxsadeen.

Maxamed Mursal ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u firfircoon, waxaana uu wax kusoo bartay dalka Suudaan, Sanadii ugu dambeeyay ayuu ka shaqeynaayay Xafiiska xeerilaalinta Qaranka.

Magalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto,Mas’uulyiin ka tirsan Dowladda,Askar iyo Shacab intabada,waxaana mas’uuliyadooda sheegta dilalkaas Al-Shabaab.

IDIL NEWS