Ethiopia oo markii ugu horaysay Somaliland ku sheegtay Maamul”

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xaafiiska raysal wasaaraha Ethiopia,ayaa lagu xusay in uu Abiye ahmed ugu baaqay Maamulka Somaliland In ay si dhow ula shaqeeyaan Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Warka kasoo baxay Xaafiiska ra’isalwasaare Abiye,ayaa waxaa la raaciyay intaas In Dhankiisa Muuse oo arinkaa ka hadlaya aqbalay soo jeedinta Abiye Ahmed.

Hadaba hadalka kasoo baxay xaafiiska ra’isalwasaare Abiye ee lagu sheegay Somaliland markii ugu horaysay maamul,isla markaana lagu yiri la shaqeeya Dowlada Fadaraalka Somaliya iyo soo dhaweyntii maqaamkeedu gaarsiisnaa heer Madaxweyne Jamhuuriyadeed mahan wax is qaadan kara,waxaana laga dhex arki karaa laba Wajiilayn.

Dowlada Itoobiya,ayaa caadiyan aan ugu yeeri jirin Somaliland ‘Maamul’,waxaana muuqata in isbadal ku yimid siyaasadeedii ku aadanayd guud ahaan Somaliya.

Si kastooy ahaataba siyaasadii gooni goosadka maamulka Waqooyi-galbeed Somaliya ee loo yaqaan Somaliland ee xiligan waxay sii noqonaysaa mid fadhiid ah.

Waxa xiisaha gaarka ah lahaan doona,ayaa ah sida uu ufuliyo Muuse Biixi balanqaadka uu Itoobiya kasoo balan qaaday in uu si buuxda ula shaqayn doono Dowlada Fadaraalka Somaliya.

Guud ahaan shacabka Somaliyed kuma faraxsana in Itoobiya ay noqoto dalka dhexdhexaadinaya Somalida,sidoo kale tagida Muuse Biixi iyo hanaanka baratakool ee loo maamuusay lama soo dhaweyn.

Jibril Qoobey.