Guddiga Dhismaha Wadada Boosaaso oo Baaq u diray Shacabka Puntland (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Guddiga Mashruuca Dhismaha Waddada Halbowlaha ah ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, ayaa oo warbaahinta la hadlaya, ayaa ka warbixinayay meesha uu marayo mashruuca Dhismaha Wadada iyo siduu yahay qorshaha.

Guddiga ayaa Sheegay in Qeybta Kowaad ee Dayactirka iyo Dhismaha Wadada halbowlaha ee Boosaaso, ay meel fiican mareyso, Iyagoona Sidoo kale soo Bandhigay Naqshada Laami labo dhinac ah oo Mustaqbalka dhow laga dhisay Bartamaha Magaalada Boosaaso.

Guddiga Dhismaha Waddada Halbowlaha ah ee Boosaaso, ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland, gaar ahaan Shacabka Boosaaso inay ka qeyb qaataan Dhismaha Wadada, ayna kusoo biiriyaan Dhaqaale, si loo hirgaliyo Waddooyin wax ku ool ah oo loo aayo hada iyo hadhowba.

Daawo.

IDIL NEWS