Khadar oo la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Islaamka (Sawirro)

RIYADH (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa dalka Sucuudi Carabiya ayaa maanta la kulmay madaxwayne ku-xigeenka bangiga horumarinta Islaamka, Mansur Muhtar.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo Mansur Muhtar ayaa ka wada hadlay horumarrada ay Soomaaliya ka samaysay dhanka dhaqaalaha iyo dadaaalka xooggan ee madaxda qaranku ugu jiraan in dhaqaalaha dalku uu heer sare gaaro.

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin wassiirrada maaliyadda iyo xannaannada xoolaha, xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale ayaa horay gudaha dalkaasi Sucuudiga kulamo kala duwan kula qaatay wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo madax ka ah hay’ado kala duwan.

Sawirro.

IDIL NEWSA