Maxaa looga hadlay Kulankii Madaxweyne Biixi iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ? (Daawo)

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, ayaa Goor-dhaweyd kulan la yeeshay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Kulankan oo ahaa mid labo geesood ah ayaa Madaxweyne Biixi iyo Ra’iisulwasaare Abiy, waxaa ku wehlinayay xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada Somaliland iyo Itoobiya.

Kulanka ayaa inta uu socday aan si rasmi ah loo ogeyn waxa looga hadlay, balse Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa markii ay ka duulayeen Madaarka Hargeysa, waxaa uu Warbaahin u Sheegay in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan danaha iyo xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya.

Kulan la filayay inay Addis ababa ku yeeshaan Madaxweyne Biixi iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa fashilmay kaddib markii dhinacyadu isku fahmi waayeen cida yeelaneysa doorka dhex dhexaadinta iyo heerka kulanka labada dhinac.

Si Kastaba ha ahaatee, Safarkaan Madaxweyne Biixi uu ku tagay Addis Ababa iyo kulanka uu la yeeshay Ra’iisulwasaare Abiy, ayaa kusoo aadaya xilli Soomaali badani aaminsan yihiin in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaliya uu Mamnuucay in Madaxda Dowlad Gobaleedyadu ay tagaan Dalalka dariska ah, Wallow Somaliland ay horey ugu dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya.

Dowlada Fadaraalka Itoobiya,ayaa maqaam sare oo leh baratakool Madaxweyne Jamhuuriyad la aqoon san yahay ugu soo dhawaysay Adai-ababa Madaxweyne Biixi iyo waftigisii,hoos ka daawo.

Halkan ka daawo muuqaalka

Sawirro.

IDIL NEWS