Somaliland oo beenisay inay kulmayaan Madaxweyne Farmaajo Iyo Muuse Biixi (Daawo)

HARGEYSO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta ka dhoofay Magaalada Hargeyso, Isagoona booqasho rasmi ah ugu ambo baxay dalka Itoobiya, kaddib markii uu marti-qaad ka helay Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.

Madaxtooyadda Somaliland ayaa beenisay Wararka Sheegaya in Madaxweyne Muse Bihi Abdi uu kulan kula yeelanayo Magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), oo Warbaahinta faah-faahin ka siiyay  Safarka biixi, ayaa tilmaamay in aysan jirin cid ka baxsan Ra’iisulwasaaraha Itoobiya iyo Xukuumadiisa oo uu Madaxweynaha Somaliland kula kulmayo Addis Ababa.

“Madaxweynuhu waxa uu casuumad rasmi ah ka helay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, waxana ay isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaa u tegayaan inay ka wada-hadlaan danaha iyo xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland.

Wasiir Faro-toon ayaa intaas ku daray “Madaxweynaha iyo weftigiisa ayey ujeedada safarkoodu ku kooban tahay kulanka ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo xubnaha kale ee xukuumaddiisa ka tirsan ay la yeelan-doonaan, mana jirto masuuliyiin dalal kale oo madaxweynaha u qorshaysan inuu kula kulmo Dalka Itoobiya”

Hadalkan kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Yaasiin Faro-toon, ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay la isla dhex-marayay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyne Muuse Biixi ay ku kulmi doonaan Addis Ababa, kaddib Casuumaad uu u diray Labadoodaba Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Daawo.

Sawirro.

IDIL NEWS