Waa Kuwee Wasiirada cusub ee Puntland ee maanta Xilka la Wareegaya ?

GAROOWE (IDIL NEWS)- Magaalada Garoowe waxaa si weyn uga socotay Maalmahan Xil wareejinta Wasiirada cusub iyo Wasiiradii hore ee Dowladda Puntland, kaddib markii Golaha Wakiiladu ay codkii kalsoonida aheyd siiyeen Xukuumadda cusub maalinimadii sabtida aheyd.

Wasiirada cusub ee  ee Wasaaraddo ay kamid yihiin Maaliyadda, Degaanka iyo Caafimaadka, Haweenka, amniga iyo Gansiga, ayaa Maalmihii lasoo dhaafay la wareegay Xafiisyadoodii, Iyagoona Masuuliyiintii hore ee Wasaaradahaas ay ku wareejiyeen Dukumeentiyadii iyo xogihii Wasaaradahaasi ay ku shaqeynayeen 5 sano ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, Wasiirada cusub ee Wasaaradaha Waxbarashada, Duulista Hawada. Qorsheynta, Warfaafinta iyo Kalluumeysiga, ayaa lagu wadaa inay maanta la wareegaan xilalkooda, Iyadoona munaasabadaha xil wareejinta ay ka dhacayso xarumaha wasaaradahaas.

Maalmaha soo socda ayaa lagu waddaa inay soo idlaato Xil wareejinta Wasiirada cusub iyo Wasiiradii hore, Iyadoona la filayo inay si xawli ah Wasiirada cusub ay u dar-dar geliyaan Shaqooyinka wasaaradahooda oo habacsani ku jirtay tan iyo olalihii doorashadii 8-dii Janaayo.

IDIL NEWS